14 maarso 2016 waxa aan booqaasho cilmi korodhsi ah ku tagnay aniga iyo ardeyda aan la shaqeeyaa rugta buuggaagta/maktabadda ama laybareeriga qofba sida uu u yaqaano ee Stockholms Stadsbibliotek.
Magaca ku hoos qoran magacaasi maktabadda waa magaca ninkii naqshadda dhismaha laybareeriga sameeyey sannadku markuu ahaa 1928.
Waxaa kale oo aan booqanay iyadna maktabadda caalamiga ah (internationella biblioteket) oo ku taala meel aan halkaa ka fogeyn.
Waxaa kaloo halkaas yaala cajalado waxyaabo badan oo kala duwani ay ku duuban yihiin.
Waxaa halkaasi yaala in kabadan 200 000 (laba boqol oo kun) oo buuggaag ah oo ku kala qoran ilaa iyo 100 af oo kala duwan.
Wargeysyo iyo cajalado.
| Qaar ka mid ah buuggaagta af soomaaliga ku qoran! |