Qiyaastii 40 000 oo qof oo orday orodkii saqdadhexe ee Stockholm.
Caasimadda wadanka Isweden ee Stockholm gaar ahaan xaafadda Södermalm, waxaa ka dhaca tartan xagga orodada ah oo sanadkiiba hal mar la qabto, . Masaafadda la ordaana waa 10 km, oo iskugu jirta dhul siman iyo jiiraba ama taag.
Sabtidii la soo dhaafay ayaan haddaba waxaan aaday meeshii uu ka dhacayay tartankaasi orodada ee saqdadhexe. Waxaa la soo gaadhay wakhtigii orodka iyo madadaalada.
Meeshaas uma aanan tagin inaan ordo ee aan ahayn inaan soo daawado, soo eeg eego iyo inaan ku soo raaxaysto kaliya jawigaas, waliba waxa kaloo intaas ii dheereyd iyada oo uu inankaygu iyo wiil aan adeer u ahay ay halkaas ka shaqaynayeen. Shaqaalaha ayay ka mid ahaayeen.
Meeshaas uma aanan tagin inaan ordo ee aan ahayn inaan soo daawado, soo eeg eego iyo inaan ku soo raaxaysto kaliya jawigaas, waliba waxa kaloo intaas ii dheereyd iyada oo uu inankaygu iyo wiil aan adeer u ahay ay halkaas ka shaqaynayeen. Shaqaalaha ayay ka mid ahaayeen.
Waxaan aad iyo aad ula dhacay markaan waraystay wiil mas'uul ah oo uu ii sheegay in dadka isa soo diiwaan galiyey ay yihiin qiyaastii 40 000 oo qof, cajiib! dadkaas oo yar iyo weynba lehaa.
Jawigu wuxuu ahaa mid aad u macaan oo fiican, kulul, qoraxduna wey ifaysay, cirkuna wuxuu ahaa buluug saafiya, geedaha iyo dooguna wey cagaarnaayeen. Dadka halkaas joogeyna waxay ahaayeen dad u faraxsan.
Barkulankii shaqaaluhu wuxuu ahaa uskuulka la yidhaahdo Maria iskuulaan. Luuqa iskuulkaasi gidaarkiisa/darbigiisa waxaa ku dhajisnaa qoraalo kala duwan oo aad iyo aad u xiisa badan, kuwaas oo aan jeclaystay inaad ila qaybsataan.
Sawirka 1aad: Sawirka 2aad: Riyo ayaan leeyahay.
Qaybta 1aad: Cilmigu ma cusla
si loo xambaaro.
Qaybta 2aad: Cilmigu waa awood.
Qaybta 3aad: Waa cusub ayaa
maalin kastaba dhasha.
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar