torsdag 4 februari 2016

Raadiyaw Sweden iyo af iswiidhish fudud

Dhagaysigu waxa uu ka midyahay hababka lagu barto luqad ama af cusub. Haddaba idaacadda Raadiyaw Sweden waxa ay bilawday barnaamij cusub oo ay ugu tala galeen dadka ku cusub waddanka.
Ka faa'idayso barnaamijkaas. Meelaha laga helayo ee laga galayaana hoos ayay ku qoran yihiin.

"Halkan waxa aad ka dhageysan karaysaa warar cusub oo ku saabsan dhacdooyinka ka dhacaya Iswiidhen.
Waxa aan isticmaalaynaa af fudud, waxaanan si fiican u sharaxaynaa sababta keentay dhacdooyinkaasi. Si gaar ah Waxaan  u taabanaynaa wararka ku khuseeya adiga, qofkaaga ku cusub Iswiidhan.
Maallin kasta oo isniina ilaa jimcaha, saacaddu markay tahay 16 waxaa soo baxaya barnaamij cusub oo ah wararkii ugu muhiimsanaa. Bogga ayaad si toos ah uga dhageysan karaysaa ama kombiyuutarkaaga ayaad kusoo dajisan kraysaa ama taleefankaaga.
Waxa aad waliba ka akhrisankaraysaa wararka oo dhan boggaasi.
waxa aan doonaynaa inaan ogaano sida uu kula yahay barnaamijkani iyo wararkani, nagala soco faysbuugga Facebook "

waxaa turjumay: Mohammed Abdullahi

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar