onsdag 12 mars 2014

Buuggaagta!

Akhriska iyo qoraalka!



Akhriska buuggaagta iyo joornaaladu waa sida adiga oo akhrisanaya ama dhageysanaya fikrad amaba maskaxda qof aduunyada dacalkedda kale jooga. In wax la qoraa oo la akhriyaa  waa shey aad iyo aad muhiim ugu ah shaqsiga/qofka, bulshada, wadanka iyo aduunyadaba.
Haddii aad booqatid maktabada/laybareeriga buuggaagta bal hareeraha amaba dhinacyadaada fiir fiiri oo eeg eeg waxaa buugaag taala dhan waxaa kala qoray kumaankum qof oo kala duwan oo meelo kala duwan jooga. Waxaas oo dhamina waa cilmi. Waanay ka sii waaday taasi oo waanigan aniguba maanta fikraddeyda kuugu soo gudbinaya shabaka internetka. Maanta waxaa la maraya heer casri ah oo teknoolajiyadni ay mareyso heer aad u sareeya  waanay kasii horu meri oo houmarku wuu socdaa. Ilaahay dhulkeena nabad ha inooga dhigo. Nabad ayaa horumar lagu gaadhaa,
Tababarka jidhku waa jimicsiga sida orodka, bir qaadista iwm, tababarka maskaxduna waa xisaabta, akhriska iyo qoraalka.


Booqo bogageyga kale oo ka faa'ideyso.

http://jaamacada.blogspot.se/

http://ssh13.blogspot.se/

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar