Hoyga cilmiga
Gurigaaga ka dhig hoyga cilmiga. Sideed uga dhigi kartaa? haa, waxaad uga dhigi kartaa adigoo gurigaaga meel ka mid ah u qorsheeya kitaabta iyo buugaagta. Akhriso oo daalaco cilmiga ka buuxa kitaabta iyo buugaagta oo dhaqan ka dhigo inaad maalin kasta in yar aad ka akhrisatid si ay carruurtaadu kuu arkaan oo ay kuugu deydaan. Carruurtu waxaad tidhaahdid ma sameeyaan ee waxaad sameysid ayey sameeyyan.
Waxaan kuu balan qaadayaa haddaad akhriska aad caado ka dhigatid inaanad ka xiiso goyneynin. Waligey intaan ardeyga ahaa ee aan joogey dhulkeeni hooyo mey dhicin inaan buug aan akhriyo oo aan dhameeyo. Laakiin hadda waxaa caado ii ah inaan akhriyo buugaag oo aan dhameeyo. Buugeygii ugu danbeeyay ee aan dhameeyay wuxuu ahaa ilaa 700( todoba boqol) oo bog. OO uu qorey qoraagii iyo suxufigii weynaa ee iswidhishka ahaa: Stieg Larsson. Kuwaas oo afka iswidhishka lagu yidhaahdo"Millennium serien ". Afka ingiriiska ahna lagu yidhaahdo "Millennium trilogy". Saddex buug weeyaan, saddexdaba waan akhristey, waana buugaag aad iyo aad u xiiso badan oo si heer sare ah loo qoray. Waanan kugula tailinayaa inaad akhrisatid adiguna. Bal ila fiiriya oo fikirkiina ila soo sodsiiya. Haddii aad haysid buugaag kale oo xiiso badana ila soo socodsii.
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar