Ururka waalidiinta iyo barayaasha Sweden!
Ururka waalidiinta iyo barayaasha Sweden
Waxaan maanta ka qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee ururka waalidiinta iyo barayaasha Sweden. Shirkaasi wuxuu ka dhacay doonta viking line korkeeda.
Waana markii 10 aad ee doonta la raaco shirkuna ku qabsoomo halkaas.
Taariikhda ururka!
Ururka waxaa la aasaasay luulyo 1995 waxaana lagu sameeyey/aasaasay geed hoostiis magaalada Stockholm degmada Tensta. waxaana loo aasaasay ururkaasi in waalidiinta soomaaliyeed ay wax wada qabsadaan sababta oo ah gacma wada jir bay wax ku gooyaan.
Ururku wuxuu soo maray marxalado, heerar iyo xaalado kala duwan, halkaasi oo ay kaga xog warameen gudoomiyeyaashii hore ee uruka.
Ururku waxyaabaha uu qabto waxaa ka mid ah xagga/dhinacyada caawinta waxbarashada, wareega habeenada jimcaha iyo sabtida, sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada soomaaliyeed waqtiyada fasaxa uu yahay uskuulku.
Ila qosol!
Waxyaabihii qosolka badnaa ee intii uu ururku jiray ka dhacay waxaa ka mid ahaa:
Duqii/odeygii ka soo boodey meel sare oo shan mitir biyaha ka sarreysa.
Wiilashii dawada cadayyga wajiga loo mariyey
Ururku wuxuu qaban qaabiyaa inuu qaado waalidiin iyo carruur badana xiliga xaggaaga ah oo ay geeyaan meel baadiye ah, oo aad iyo aad u qurux badan kuna taala meel haro ah agteeda. Duqaas aan u bixino duq Cabdi. duq Cabdi wuxuu arkay wiilal dhallinyaro ah oo meel ka soo boodboodaaya oo biyaha ku ciyaaraya, duq Cabdi wuxuu aad uga helay sidii ay dhallinyaraadaasi biyahaas ugu ciyaarayeen. Duq Cabdi intuu is hayn kari waayey ayuu go'aan ku gaadhay inuu isna meeshaas ka soo boodo, intuu baxay ayuu soo qaatay surwaal gaaban iyo macawistiisii. Intuu macawistiisii iyo koofiyadiisii la baxay ayuu meeshii dheerayd fuulay. Duqii isagoo jibbeysan ayuu meeshii ka soo boodey, intaanu duq Cabdi libiqsanba (ilbidhiqsi) kasoo wareeginba wuxuu duqii badhtanka ugu jiraa biyihii. Duq Cabdi wuxuu isku dayay inuu biyaha kor u soo noqdo oo uu dabaasho, balse duqu dabaalba ma yaqaan, markii uu lab jeer ama laba mar kor iyo hoos u noqday ayaa waxaa arkay dhallinyaradii meeshaas kula dabaalaneysay, waxay dareemeen in duqani caawimo u baahanyhay, waxay isku dayeen inay caawiyaan hase ahaatee qofki inuu caawiye isku dayaba dug ayuu ku yidhaahdaa oo wuu qabsadaa, wey iska furfuraan oo wey ka dabaashaan. Wey tashadeen wiilashii oo sideen u caawinaa ayey isweydiiyeen. waxay go'aan ku gaadheen in laba wiil gacmaha qabtaan midna intuu muquurto inuu hoos ka soo riixo. Dhallinyaradii wey ku guuleysteen inay badbaadiyaan duq Cabdi.
Markii laga war helay in duq Cabdi maanta biyihii liqi gaadheen oo uu halis galay, ayaa dadkii su'aalo badan weydiiyeen iyagoo qaarna la yaaban qaarna ay u naxsanyihiin dhibtii soo gaadhay duqa. Su'aalahaasna waxaa ka mid ahaa: maxaad biyaha ugu boodey adigoon dabaal aan garaney? wuxuuna duqu ku jawaabey: waar waan aqaanee malaha waan illoobey.........
La soco qayabaha dambe.........
Wiilashii wajiga caddaa...
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar