


![]() |
| Barayaasha afafka hooyo ee Iswidhen. |
Shirkan oo sanadkan la qabsoomay 27 iyo 28 oktoobar 2014. Waxaa kasoo qayb galay macalliniin tiradoodu dhantahay 700 oo bare. Barayaashaasi oo ku kala hadlayey 35 af oo kala duwan.
130 kamida barayaashaasi waxay ahaayeen soomaali.
Waxaa haddaba maanta si fiican oo farxadleh noogu dhamaaday shirkii 17aad ee barayaasha afka hooyo.Taasi macneheedu wuxuu yahay in shirkani la qabtay 17 kii sanadood ee ugu dambeeyay. Maashaa allaah waa mid aad loogu farxo.
Haddaba shirkani waxaa lagaga hadlaa sidii afka hooyo loo horumarin lahaa, waaya'aragnimada macallimiinta laysku weydaarsanlahaa iyo qalabka waxbarasho iwm.
Mohammed A.

Inga kommentarer:
Skicka en kommentar