torsdag 17 september 2015

Ajenda (Agenda) svt2 oo nasoo booqdey..


Barnaamijka Ajenda (Agenda) oo ah barnaamij ka hadla dhacdooyinka cusub ee bulshada iyo caalamkaba ayaa nasoo booqday maalintii axaddii ee bishu ay ahayd 10 sebtembr 2015. Waxayna nagu soo booqdeen daarta weyn ee cas ee  Lärcentrum ee degmada Järfälla, halkaas oo ah iskuulka waxbarashada dadka waaweyn.
Waxay halkaas kula kulmeen ardeyda dhigata qaybta Bas (Aasaas).  Bas waxaa dhigata ardeyda ay waxbarashadoodu u dhaxeyso 0-6 sano. Ardeydaasi qaar ka mid ahi nasiib ama fursad uma helin inay iskuul soo dhigtaan oo ay afkooga hooyo ama mid kalaba ay ku bartaan sida wax loo qoro amaba loo akhriyo. Hase ahaatee taas macnaheedu maaha inaaney waxba aqoonin. Ardeydan qaar kamid ahi waxay ahaayeen dad shirkado si fiican u socda iska leh, halka kuwa kalana ay xirfado kala duwan ay leeyihiin iyo waayo aragnimaba.
Haddaba haddii ay ardeydani helaan fursad ay ku shaqeeyaan, waxa uu san shaki ku jirin inay wax badan wadanka ku soo kordhinayaan oo ay bulshadana ka mid noqonayaan.
Ma rabtaa haddaba inaad barnaamijkaa aad daawati, riix halkan 
http://www.svtplay.se/klipp/3608655/de-hoppas-fa-jobb-trots-att-de-saknar-utbildning 

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar