torsdag 24 september 2015

Ciid wanaagsan, ciid wanaagsan....



Ciid wanaagsan!

Maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 24 sebtember 2015 waa maalin ciid ah (ciidulodxa) oo aan aniga iyo qoyskeyguba aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay uguna mahadcelineynaa illaaahii na siiyey naguna simay maanta. 
Ciid wanaagsan dhamaantiinba umadda muslimiinta ah meel kasta oo aad joogtaanba. Waxaan ilaahay inooga baryayaa in ilaahay xaqa ina wafajiyo, sanadkan, sanadka bambe iyo sanado kale oo badana in ilaahay bash bash iyo barwaaqo iyo caafimaadqab inagu gaadhsiiyo.
Meelo badan oo dunida muslimiinta ka mid ah ayey dagaallo ba'ani ka aloosanyihiin, waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay dagaaladaas isagaa awood lehe uu dagaaladaas ka qaboojiyo.
Carruurteena, haweenkeena, waayeelkeena, raggeena iyo dhallinyaradeena. Carruurtooda, haweenkooda, waayeelkooda, raggooda iyo dhallinyaradooduba, inteenuba inaan farxad ku wada ciidno sanadka dambe haddii ilaahay yidhaahdo.

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar