fredag 28 mars 2014

Koorsooyin af soomaali ah!

Koorsooyin af soomaali ah oo loogu talagalay macalimiinta soomaalida


Hadda ayaad jaanis haysataa ee ka faa'ideyso. Jaamacadda Göteborg waxay kuu diyaarisey koorasyo af soomaali ah oo bilaabmaya xiliga deyrta ee sanadkan.
Wixii faahfaahin ah ka akhriso isku xidhahan:
wixii macluumaad dheeraad ahna kala xidhiidh maamulka jaamacadda qaybta luqadaha.

Kusoo dhawoow bogageyga kale:

http://ssh13.blogspot.se/ 
http://jaamacada.blogspot.se/ 



onsdag 12 mars 2014

Hoyga cilmiga!

Hoyga cilmiga




Gurigaaga ka dhig hoyga cilmiga. Sideed uga dhigi kartaa? haa, waxaad uga dhigi kartaa adigoo gurigaaga meel ka mid ah u qorsheeya kitaabta iyo buugaagta. Akhriso oo daalaco cilmiga ka buuxa kitaabta iyo buugaagta oo dhaqan ka dhigo inaad maalin kasta in yar aad ka akhrisatid si ay carruurtaadu kuu arkaan oo ay kuugu deydaan. Carruurtu waxaad tidhaahdid ma sameeyaan ee waxaad sameysid ayey sameeyyan.
Waxaan kuu balan qaadayaa haddaad akhriska aad caado ka dhigatid inaanad ka xiiso goyneynin. Waligey intaan ardeyga ahaa ee aan joogey dhulkeeni hooyo mey dhicin inaan buug aan akhriyo oo aan dhameeyo. Laakiin hadda waxaa caado ii ah inaan akhriyo buugaag oo aan dhameeyo. Buugeygii ugu danbeeyay ee aan dhameeyay wuxuu ahaa ilaa 700( todoba boqol) oo bog. OO uu qorey qoraagii iyo suxufigii weynaa ee iswidhishka ahaa: Stieg Larsson. Kuwaas oo afka iswidhishka lagu yidhaahdo"Millennium serien ". Afka ingiriiska ahna lagu yidhaahdo "Millennium trilogy". Saddex buug weeyaan, saddexdaba waan akhristey, waana buugaag aad iyo aad u xiiso badan oo si heer sare ah loo qoray. Waanan kugula tailinayaa inaad akhrisatid adiguna. Bal ila fiiriya oo fikirkiina ila soo sodsiiya. Haddii aad haysid buugaag kale oo xiiso badana ila soo socodsii.

Buuggaagta!

Akhriska iyo qoraalka!



Akhriska buuggaagta iyo joornaaladu waa sida adiga oo akhrisanaya ama dhageysanaya fikrad amaba maskaxda qof aduunyada dacalkedda kale jooga. In wax la qoraa oo la akhriyaa  waa shey aad iyo aad muhiim ugu ah shaqsiga/qofka, bulshada, wadanka iyo aduunyadaba.
Haddii aad booqatid maktabada/laybareeriga buuggaagta bal hareeraha amaba dhinacyadaada fiir fiiri oo eeg eeg waxaa buugaag taala dhan waxaa kala qoray kumaankum qof oo kala duwan oo meelo kala duwan jooga. Waxaas oo dhamina waa cilmi. Waanay ka sii waaday taasi oo waanigan aniguba maanta fikraddeyda kuugu soo gudbinaya shabaka internetka. Maanta waxaa la maraya heer casri ah oo teknoolajiyadni ay mareyso heer aad u sareeya  waanay kasii horu meri oo houmarku wuu socdaa. Ilaahay dhulkeena nabad ha inooga dhigo. Nabad ayaa horumar lagu gaadhaa,
Tababarka jidhku waa jimicsiga sida orodka, bir qaadista iwm, tababarka maskaxduna waa xisaabta, akhriska iyo qoraalka.


Booqo bogageyga kale oo ka faa'ideyso.

http://jaamacada.blogspot.se/

http://ssh13.blogspot.se/