tisdag 30 september 2014

Shirkii macalimiinta oo wali boosas.........

Bild
Västerås 2014 

ACWW
Shirkii barayaasha weli waxa ka bannaan boosas haddii aanad is-diiwaangelin oo aad xiisaynayso. maalinta koowaad oo ka dhaxaysa 30 luqadood way buuxsantay oo waxba kama bannaana maalinta labaad ee innaga inoo gaarka ah ayey weli boosas ka bannaan yihiin. Waxa la xidhi doonaa 1-da bisha . Fadlan is-diiwaangeli. waxa loo baahan yahay waa mailkaaga tel iyo degmada aad ka shaqeyso,

waxaan ku soo lifaaqay warqadii warbixintu ku qornayd.

https://response.easyresearch.se/s.asp?WID=973723&Pwd=53587755

Mahadsanidin
Cumar

onsdag 24 september 2014

Kulankii oo buuxsamay

Waxaa buuxsamay oo aanay meeli/boos ka banaaneyn kulankii sanadlaha ahaa ee wasaaradda waxabarashadu ku macsuumi jirtay barayaasha dhiga afafka hooyo iyo kaalmada waxbarashada.
Barayaasha oo aad iyo aad u xiiseynayey darteed ayaan hadda meeli ka banaaneyn qofkii doonaya inuu ka qaybqaato kulanka labada maalmood ee 27 iyo 28 oktoobar. Laakinn waxaa jirta in afafka qaarkood ay meeli ama boosas ka banaanyihiin maalinta labaad ee qola waliba dhankeeda u kulmeyso. Sidii aad isku diiwaan galin lahaydna sida ugu dhakhsaha badan ayaad ka heli doontaa.
 bogga temamodermål.
on .

Konferensen fulltecknad

tm mosaikMycket stort intresse för konferensen för modersmålslärare den 27-28 oktober. Tyvärr har vi inga platser kvar på vår konferens för de som vill delta både den 27 och 28 oktober. Det som återstår är bara den 28 oktober då vi fortfarande har platser kvar till några olika språkkonferenser som anordnas av våra redaktörer. Info om hur du anmäler dig till de olika språkkonferenerna kommer att finnas inom kort på 

lördag 20 september 2014

Ururka waalidiinta iyo barayaasha Sweden!


Ururka waalidiinta iyo barayaasha Sweden

Waxaan maanta ka qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee ururka waalidiinta iyo barayaasha Sweden. Shirkaasi wuxuu ka dhacay doonta viking line korkeeda.
Waana markii 10 aad ee doonta la raaco shirkuna ku qabsoomo halkaas.

Taariikhda ururka!
Ururka waxaa la aasaasay luulyo 1995 waxaana lagu sameeyey/aasaasay geed hoostiis magaalada Stockholm degmada Tensta. waxaana loo aasaasay ururkaasi in waalidiinta soomaaliyeed ay wax wada qabsadaan sababta oo ah gacma wada jir bay wax ku gooyaan.

Ururku wuxuu soo maray marxalado, heerar iyo xaalado kala duwan, halkaasi oo ay kaga xog warameen gudoomiyeyaashii hore ee uruka. 

Ururku waxyaabaha uu qabto waxaa ka mid ah xagga/dhinacyada caawinta waxbarashada, wareega habeenada jimcaha iyo sabtida, sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada soomaaliyeed waqtiyada fasaxa uu yahay uskuulku. 



Ila qosol!
Waxyaabihii qosolka badnaa ee intii uu ururku jiray ka dhacay waxaa ka mid ahaa: 
Duqii/odeygii ka soo boodey meel sare oo shan mitir biyaha ka sarreysa.
Wiilashii dawada cadayyga wajiga loo mariyey

Ururku wuxuu qaban qaabiyaa inuu qaado waalidiin iyo carruur badana xiliga xaggaaga ah oo ay geeyaan meel baadiye ah, oo aad iyo aad u qurux badan kuna taala meel haro ah agteeda. Duqaas aan u bixino duq Cabdi. duq Cabdi wuxuu arkay wiilal dhallinyaro ah oo meel ka soo boodboodaaya oo biyaha ku ciyaaraya, duq Cabdi wuxuu aad uga helay sidii ay dhallinyaraadaasi biyahaas ugu ciyaarayeen. Duq Cabdi intuu is hayn kari waayey ayuu go'aan ku gaadhay inuu isna meeshaas ka soo boodo, intuu baxay ayuu soo qaatay surwaal gaaban iyo macawistiisii. Intuu macawistiisii iyo koofiyadiisii la baxay ayuu meeshii dheerayd fuulay. Duqii isagoo jibbeysan ayuu meeshii ka soo boodey, intaanu duq Cabdi libiqsanba (ilbidhiqsi) kasoo wareeginba wuxuu duqii badhtanka ugu jiraa biyihii. Duq Cabdi wuxuu isku dayay inuu biyaha kor u soo noqdo oo uu dabaasho, balse duqu dabaalba ma yaqaan, markii uu lab jeer ama laba mar kor iyo hoos u noqday ayaa waxaa arkay dhallinyaradii meeshaas kula dabaalaneysay, waxay dareemeen in duqani caawimo u baahanyhay, waxay isku dayeen inay caawiyaan hase ahaatee qofki inuu caawiye isku dayaba dug ayuu ku yidhaahdaa oo wuu qabsadaa, wey iska furfuraan oo wey ka dabaashaan. Wey tashadeen wiilashii  oo sideen u caawinaa ayey isweydiiyeen. waxay go'aan ku gaadheen in laba wiil gacmaha qabtaan midna intuu muquurto inuu hoos ka soo riixo. Dhallinyaradii wey ku guuleysteen inay badbaadiyaan duq Cabdi.

Markii laga war helay in duq Cabdi maanta biyihii liqi gaadheen oo uu halis galay, ayaa dadkii su'aalo badan weydiiyeen iyagoo qaarna la yaaban qaarna ay u naxsanyihiin dhibtii soo gaadhay duqa. Su'aalahaasna waxaa ka mid ahaa: maxaad biyaha ugu boodey adigoon dabaal aan garaney? wuxuuna duqu ku jawaabey: waar waan aqaanee malaha waan illoobey.........

La soco qayabaha dambe.........

Wiilashii wajiga caddaa...








onsdag 17 september 2014

Shirka barayaasha afka hooyo

Shirka barayaasha afka hooyo


Skolverket inbjuder modersmålslärare till en konferens som kommer att äga rum den 27-28 oktober i Stockholm. Den första dagen (27/10) är gemensam för alla och den andra dagen (28/10) deltar man i sin respektive språkgrupp.
Wasaaradda waxbarashadu waxay ku martiqaadaysaa barayaasha afka hooyo kulankii barayaasha e sannadlaha ahaa, kaas oo ka dhici doona magaalada Stockholm 27-28 ka bisha oktoobar. maalinta koowaad waxa qabanaysa oo mas`uul ka ah wasaaradda waxbarashada, ta labaadna gaar bay u tahay luqadaha kala duwan. Barnaamijka maalinka koowaad waa diyaar. maalinta labaadna gacanta ayaa lagu hayaa. Shirka waxa lagu qabanayaa badhtamaha magaalada Stockholm.
Waxa loogu tala galay : Barayaasha afka hooyo iyo kuwa xannaanadaba.
Waqtiga: 27 -28 oktoobar 2014.
Goobta: Clarion Hotel Sign, Östra Järnvägsgata 35, Stockholm
Kharashka: Shirku waa lacag la`aan, laakiin haddaad isdiiwaangeliso kama noqon kartid. Degmada aad ka imanaysaa ama dugsiga aad ka shaqeyso ayaa bixinaya hurdada iyo kharashka gaadiidka aad ku imanayso.
Is-diiwaangelinta: Maalinta ugu dambeysaa waa 1-da bisha oktoobar. Fadlan isdiiwaan geli ka hor. iska
diiwaangeli halkan..