fredag 6 mars 2015

Halka ay ka soo jeedo Soomaaliya

Waaxaan qoraalkan ka soo qaaday bogga af-soomaaliga ee afafka hooyo ee Iswidhen, qaybta soomaaliga (Tema modersmål). Halkan guji.....


(b) Siinay oo ay Afrika ka soo galeen dhinaca Masar (t) Baabul-Mundab oo ay ka soo galeen dhinaca Geeska Afrika. Baabul-Mundab waa marriin aad muhiim u ah oo isku xira Geeska Afrika iyo Aasiya. Waxaa xaqiiqo ah in dhulka ay maanta Soomaalidu deggan tahay uu noqday mid jinsiyo badan isugu yimaadeen, qolo walbana qoladii ka soo horreysay u riixday dhanka gudaha.
Dadkani waxay lahaayeen boqortooyo soo jireen ah oo saldhiggeedu ahaa dhulka loo yaqaan Nuuba, taas oo ay isku raaceen baarayaal fara badan, in Kushitigu uu ka soo jeeddo ilmo Xaam Ibnu Nabi Nuux. Waxay u soo hayaameen dhanka qorrax u dhac, iyagoo soo gaaray Afrikada Waqooyi ee dalka maanta loo yaqaan Masar. Waagaas Afrikada Waqooyi iyo Bariga Dhexe bad uma dhexeyn, waxaana la isaga gudbi jiray si fudud. Sidaa awgeed waxaa u suurta gashay, in si fudud ugu gudbaan Afrika iyaga iyo wixii duunyo ah ee ay wateen, waxayna ku hakadeen webiga Niil, halkaas oo ay degganaayeen ilaa ay ka kaga tarmeen. Bahdan Kushitiga ah waxay u qaybsan yihiin:-
1. Kushitiga Waqooyi waa kuwa dega Afrikada Waqooyi oo ay ka mid yihiin Berberka
wax ka dega Marooko, Liibiya, Tuniisiya iyo Aljeeriya; Fulaani oo ka mid ah
qowmiyadda degta dalka Nayjeeriya (Nigeria); Dawaari iyo Tubo oo dega dhulka
Saxaraha ah ee Afrika. Dadkaas waxay caan ku yihiin xoolo dhaqatada iyo guur-guurka
joogtada ah oo hadba dhan u naqraaca, muuqaalkooduna uu shaabaho dadka
Soomaalida ah ee hadda ku nool Soomaaliya.
2. Kushitiga Bari oo iyaguna ka kooban Nuubiyiinta wax ka dega dalka Suudaan, Masar
ilaa soohdinta dalka Eritareeya; Saaxa oo degta Itoobiya iyo Eritereeya; Danaakilida
oo iyaduna wax ka degta Eritareeya, Itoobiya iyo Jabuuti. Oroomada oo ah qowmiyad
aad u fara badan oo degta dalka Itoobiya iyo Kenya; Soomaaliya oo dalalka ku yaal
Geeska Afrika oo dhan wax ka degta. Dadkan oo deggan dhul aad u kala fog oo
ummado badan ku dhex milmeen, misna waxaa lagu kala saari karaa afka, dhaqanka,
muuqaalka, hab dhaqanka iyo dhismaha afkooda.
Sidoo kale Xamaatigu wuxuu u qeybsan yahay laba qaybood oo kala ah:
1. Xamaatiga Bari: waxaa lagu garanayaa muuqaalka dhismaha jirka dadnimo
(anthropological features), waxayna leeyihiin af xiriir la leh afka Sematiga "Sematics"
gaar ahaan Carabta iyo afafka kale ee Aasiyada hoose oo ah afafka la isku yiraahdo
Hematic-Sematic Group. Wuxuu inta badan dhaqankiisu u badan yahay xoolo dhaqato,
sida uu caddeeyay Herotodus oo ahaa Aabbihii Taariikhda. Wuxuu ku sifeeyay in ay
ahaayeen dad gibilkoodu uu caddaan yhay, isla markaasna ay yihiin dad dhaa-dheer oo
dhuudhuuban. Waxay caado u lahaayeen in dibida da´da yar ay dhiiggooda cabbaan,
taas oo weli ku dambeysa Oroomada iyo Masayda ku dhaqan Geeska Afrika.
2. Xamaatiga Waqooyi: Waxay u soo gudbeen dhanka waqooyi, iyagoo loo maleynayo
in ay ka farcameen dadka loo yaqaan Berber oo ah dad aan carab ahayn oo deggan
Afrikada Waqooyi, waana dadka loo yaqaan Berberka ama Barri Al-Cajam. Waxay ku
noolaan jireen Marooko, Aljeeriya, Khaliijka Carabta iyo Gacanka Cadan ee
Waqooyiga Soomaaliya. Magaalada Berbera waxay wadataa magacii hore ee Berberka
oo ay u bixiyeen badmareennadii Giriigga iyo Roomanka oo xilligaas ganacsi iyo
aqoon isweydaarsi ka waday xeebaha Badda Cas.
Masaaridii hore waxay xiriir la lahaayeen boqortooyadii Kush ee la oran jiray dalkii Kush iyo boqortooyadii Geeska Afrika ee loo yiqiin Dalkii Punt "Dadlkii Eebbe". Masaaridu Waxayna halkaas ka iibsan jiray hargaha shabeelka, beeyada, xabkaha, baalasha goroyada iyo geedaha uunsiga oo waqtigaas qiimo aad u sarreeya lahaa iyo dawooyinkii lagu dhayi jiray meydka Faraacinnada.
Xiriirkii Faraaciinta iyo Boqortooyadii Punt, wuxuu sii xoogeystay waqtigii ay dalka Masar ka talinaysay Boqorradii Xatshabsuut oo iyadu booqasho ku timid. Dadkii Masar ee xilligaas uma ayan arki jirin dad shisheeye ah dadka reer Punt, waxaana la gaaray heer la kala garan waayay labada dal. Dhulka Soomaaliya xilligaas xadkiisu wuxuu ku ekaa deexda u dhexeysa Khooriga Tajurra iyo Raas Caseyr ee Waqooyiga Bari ee Badweynta Hindiya. Xeebaha Soomaaliyana waxay adduunka ka ahayd go´doon, taas oo loo aaneynayo loolankii iyo isbeddelladii waqtigaas ka dhexeeyay Afrikada Waqooyi iyo Bariga Dhexe.
Ummadda Soomaaliyeed waa dad aad u fac weyn oo ka soo jeedda dadkii la oran jiray Kush ama Nuubi oo markoodii hore ku noolaan jiray dhulka buuraleyda ah ee harooyinka Niil, waxayna markii dambe ku fideen dhulka u dhexeeya koonfurta Masar ilaa Geeska Afrika. Badmareennadii Giriigga ee xeebaha Badda Cas imaan jiray waxay qoreen, in ay degganayeen dad wajigoodu guban yahay ama madow, afka Giriigana lagu yiraahdo Itoobiya "Ethiopia", dadkii carabta ahaana u yiqiin Xabash. Magacaasna waxaa loo yiqiin dadkii Kushitiga ahaa ee ka koobnaa Suudaan, Oroomo, Rindiile, Cafar, Masay, Turkaano iyo Soomaali.
Soomaalidii degganeyd dhulkan cid kasta ha ku soo biirtee, waxaa lagu suureeyay in ay isku mid yihiin kuwo hadda ku nool iyo kuwii Faraaciiyiinta sheegeen dhowr kun oo sano ka hor. Marka laga eego muuqaalka, Soomaalidu ma ah kuwo milmay ee waa kuwo lagu milmay. Qof kasta oo ku soo biirta waa ku milmeysay iyagoo qaadanaya dhaqanka, afka, qaab nololeedka iyo midabka, ka dib markii ay ka soo gudubtay dhowr farc, ayna noqdeen kuwo aan laga saari karin Soomaalida.

måndag 2 mars 2015

Taariikhdii uu af-soomaaligu soo maray


Aw jaamac cumar ciiseAw Jaamac Cumar berättar om hur det somaliska skrift språket kom till. Aw Jaamac Cumar Ciise ayaa Alla haw naxariistee ka waramaya taariikhdii  ay qorida af-soomaaligu soo martay. Axmed Kismaayo oo BBC-da ka socda ayaa sannadkii 2003 waraysi kula yeeshay magaalada Jabuuti oo uu markaa Aw jaamac deganaa. Guji halkan..