måndag 24 november 2014

Shirkii barayaasha afka hooyo.....

qiyaastii 700 oo bare


Taariikhdu markay ahayd 27 iyo 28kii bishii oktoobar waxaa qabsoomay kulankii sanadlaha ahaa ee barayaasha afka hooyo.
Labadaasi maalmood waxay ahaayeen laba maalmood oo aad u qiima badan sababta oo ah waxaa halkaas laga jeediyey casharo/lagjaro aad u qiimo badan iyo warbixino muhiim ah.
Isku soo wadaduub labadaasi maalmood waxey ahaayeen laba maalmood oo cajiiba, miyaanay sidaasi aheyn?

Waxaan halkan uga mahad celinayaa soo qabanqaabiyayaashii iyo kasoo qayb galayaashiiba, Sida wasaaradda waxbarashada, qaybteeda afka hooyo iyo barayaashiiba. Ugu danbeyna hoteelkii lagu qabtay kulanka.


Marabtaa inaad baratid afka iswidhishka guji halkan:
http://ssh13.blogspot.se/

måndag 3 november 2014

Gaarriye iyo af soomaaliga..........

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Halkan waxaan jeclaystay inaan idinla qaybsado sida uu Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) allaah ha u naxariistee uu uga hadlayo afka. Runtii ma dhamaystirna muxaadaradani ama casharkani ee haddana sikastaba ha ahaatee bal ila arag oo ila maqal sida uu macallinkani, abwaankani uu afka uga hadlayo.
Haddii aad haysid muxaadaradani oo dhamaystiran aadbaan u jeclaan lahaa haddaad ii sooo gudbisid, waanana kuu mahadcelin lahaa.

http://modersmal.skolverket.se/somaliska/index.php/component/allvideoshare/video/latest/gaarriye-iyo-af-soomaaliga