torsdag 18 februari 2016

Dhakhtarkii xoolaha ee digniinta la siiyey

En undulat gick en för tidig död till mötes, enligt ansvarig myndighet på grund av den höga medicindos han fick. Arkivbild.

Arkivbild.Lennart Nygren/TT

Maalintii khamiistii ee la soo dhaafay waxaan ka akhristay jariiradda la yidhaahdo Metro ee kasoo baxda Stockholm ee carriga Iswiidhen, arin aan  aad iyo aad uga helay ama iiga cajabisay. Waa kan hoos ku xusan isagoo aan turjumay ee bal ila arag.

Digniin la siiyey dhakhtarka xoolaha kadib markii ay shimbirtu dhimatay

Baqbaqaa da' yar ayey dhimasho soo wajahday ka dib markii la' siiyay daawo intii loogu talagalay ka badan, warkan ayaa laga soo xigtay hayadda ka masuulka ah xanaanada xoolah.

Baqbaqaagii Elvis la odhan jiray ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu u dhintay daawo saa'id ah oo la siiyay darteed. Waxaa haddaba digniin la siiyay dhakhtarkii xoolaha ee daaweynayey baqbaqaagaasi. Digniintaasi Waxaa siisay hayadda caafimaadka iyo daryeelka xayawaanka. Warkan waxaa soo gudbiyay Värnamo Nyheter. 
Elvis waxa uu la liitay cuncun ba'an. Waxa uu madaxa ku xoqayay tiir ku yaalay shabaqii uu galayay. Taasi oo keentay in uu is xoodhiyay halkaas salaanta ee wajiga. Markii la geeyay dhakhtarka xayaawaanka ee gobolka Jönköping ayaa waxaa sugnaatay in injiri gashay shimbirkaasi.
Daawo ayaa lagu muday, laakiin maalintii dambe ayaa waxaa laga war helay in shimbirkaasi uu aad u ildaranyahay oo ay xaaladiisii kasii xumaatayba. Markaasaa dhakhtarkii xoolaha ee maalintaas ka shaqaynayay dhakhtarkaasi uu shimbirku yaalay go'aan ku gaadhay in looga raaxeeyo.
Guddiga mas'uulka ayaa soo saaray in shimbirkaasi la siiyay daawo laba iyo toban jeer  ka cuslayd intii loogu tala galay.
Waliba  waxa uu muran ka taagan yahay cudurkii lagu sheegay ee ahaa inay injiri gashay shimbirka. In ay injiri gasho baqbaqaaga waa mid aan marnaba caadi ahyn.

Ma rabtaa inaad maqaalkan ku akhrisatid af iswiidhishka?
halkan guji..




torsdag 4 februari 2016

Raadiyaw Sweden iyo af iswiidhish fudud

Dhagaysigu waxa uu ka midyahay hababka lagu barto luqad ama af cusub. Haddaba idaacadda Raadiyaw Sweden waxa ay bilawday barnaamij cusub oo ay ugu tala galeen dadka ku cusub waddanka.
Ka faa'idayso barnaamijkaas. Meelaha laga helayo ee laga galayaana hoos ayay ku qoran yihiin.

"Halkan waxa aad ka dhageysan karaysaa warar cusub oo ku saabsan dhacdooyinka ka dhacaya Iswiidhen.
Waxa aan isticmaalaynaa af fudud, waxaanan si fiican u sharaxaynaa sababta keentay dhacdooyinkaasi. Si gaar ah Waxaan  u taabanaynaa wararka ku khuseeya adiga, qofkaaga ku cusub Iswiidhan.
Maallin kasta oo isniina ilaa jimcaha, saacaddu markay tahay 16 waxaa soo baxaya barnaamij cusub oo ah wararkii ugu muhiimsanaa. Bogga ayaad si toos ah uga dhageysan karaysaa ama kombiyuutarkaaga ayaad kusoo dajisan kraysaa ama taleefankaaga.
Waxa aad waliba ka akhrisankaraysaa wararka oo dhan boggaasi.
waxa aan doonaynaa inaan ogaano sida uu kula yahay barnaamijkani iyo wararkani, nagala soco faysbuugga Facebook "

waxaa turjumay: Mohammed Abdullahi