torsdag 24 september 2015

Ciid wanaagsan, ciid wanaagsan....



Ciid wanaagsan!

Maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 24 sebtember 2015 waa maalin ciid ah (ciidulodxa) oo aan aniga iyo qoyskeyguba aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay uguna mahadcelineynaa illaaahii na siiyey naguna simay maanta. 
Ciid wanaagsan dhamaantiinba umadda muslimiinta ah meel kasta oo aad joogtaanba. Waxaan ilaahay inooga baryayaa in ilaahay xaqa ina wafajiyo, sanadkan, sanadka bambe iyo sanado kale oo badana in ilaahay bash bash iyo barwaaqo iyo caafimaadqab inagu gaadhsiiyo.
Meelo badan oo dunida muslimiinta ka mid ah ayey dagaallo ba'ani ka aloosanyihiin, waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay dagaaladaas isagaa awood lehe uu dagaaladaas ka qaboojiyo.
Carruurteena, haweenkeena, waayeelkeena, raggeena iyo dhallinyaradeena. Carruurtooda, haweenkooda, waayeelkooda, raggooda iyo dhallinyaradooduba, inteenuba inaan farxad ku wada ciidno sanadka dambe haddii ilaahay yidhaahdo.

torsdag 17 september 2015

Ajenda (Agenda) svt2 oo nasoo booqdey..


Barnaamijka Ajenda (Agenda) oo ah barnaamij ka hadla dhacdooyinka cusub ee bulshada iyo caalamkaba ayaa nasoo booqday maalintii axaddii ee bishu ay ahayd 10 sebtembr 2015. Waxayna nagu soo booqdeen daarta weyn ee cas ee  Lärcentrum ee degmada Järfälla, halkaas oo ah iskuulka waxbarashada dadka waaweyn.
Waxay halkaas kula kulmeen ardeyda dhigata qaybta Bas (Aasaas).  Bas waxaa dhigata ardeyda ay waxbarashadoodu u dhaxeyso 0-6 sano. Ardeydaasi qaar ka mid ahi nasiib ama fursad uma helin inay iskuul soo dhigtaan oo ay afkooga hooyo ama mid kalaba ay ku bartaan sida wax loo qoro amaba loo akhriyo. Hase ahaatee taas macnaheedu maaha inaaney waxba aqoonin. Ardeydan qaar kamid ahi waxay ahaayeen dad shirkado si fiican u socda iska leh, halka kuwa kalana ay xirfado kala duwan ay leeyihiin iyo waayo aragnimaba.
Haddaba haddii ay ardeydani helaan fursad ay ku shaqeeyaan, waxa uu san shaki ku jirin inay wax badan wadanka ku soo kordhinayaan oo ay bulshadana ka mid noqonayaan.
Ma rabtaa haddaba inaad barnaamijkaa aad daawati, riix halkan 
http://www.svtplay.se/klipp/3608655/de-hoppas-fa-jobb-trots-att-de-saknar-utbildning 

torsdag 10 september 2015

Xaflad sagootin iyo mahadcelin ah oo loo sameeyay.........

Xaflad sagootin iyo mahadcelin ah oo loo sameeyay gudoomiye Abdinuur Ciise oo ahaa gudoomiyihii ururka isbahaysiga ummadda soomaaliyeed ee Sweden.

Waxaana isla xilligaas halkaas lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee kumeelgaadhka ah ee ururkan gudoomiye Cabdicasiis Geedi.





Miftaaxii midnimadoo lumay..... iyo Yuusuf X. Cabdillahi

Miftaaxii midnimadoo lumay oo aan meelna lagu haynin waa gabay uu sameeyay  abwaan Yuusuf  X. Cabdillahi. Isagaana inoo akhriyaya ee ila daawo oo ila dhagayso.



tisdag 8 september 2015

Maxaa ka jira xasilloonidarrada af soomaaliga?

Maxaa ka jira xasilloonidarrada af soomaaliga?





Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa cashar youtube ah oo uu inoo soo jeedinayo barafosoork/ macallin Cabdalla Cumar Mansuur. Waa muxaadaro aad iyo aad u xiisabadan. Su'aalo dadbadani isweydiinayaana, jawaabohooga ayaa laga helayaa.  

Riix halkan....