måndag 14 december 2015

Lussekatter/ keega Lusekaater!

Vill du baka lussekatter? här har du receptet, varsågod"!

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\NW73A2RC\f45e7e395ce5a97e77b757b4e8e73759e877285c_607x400[1].jpg
ingredienser

  • 2 paket saffran males med en sockerbit.
  • 250 g smör som smältes i en kastrull.
  • 5 dl mjölk som värmes i mjölk.
  • 1 paket jäst 50 g som sönderdelas i mjölken.
  • 2 dl socker.


  • Allt blandas i en bunke.
  • Häll ca 1.5 - 1.8 liter vetemjöl i bunken och knåda i ca 10 minuter
  • Låt degen jäsa på värm plats i bunken i 40 minuter.


  • Gör lussekatter och lägg på plåten. Låt det jäsa en gång till i ca 30 minuter. 
  • Pensla Lussekatterna med ett uppvispad ägg. 
  • Sätt russin i Lussekatterna.
  • Sätt in plåten i ugnen i 5- 10 minuter.
//lycka till!




keega lussekatter
ma rabtaa inaad dubtid keega la yidhaahdo lussekaater? Waa tan sidii loo samaynayay, ku soo dhawoow!
C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\NW73A2RC\f45e7e395ce5a97e77b757b4e8e73759e877285c_607x400[1].jpg

waxa uu ka koobanyahay
  • 2 baakadood oo sacfaraan ah.
  • 250 g oo subag ah oo aad ku dhalaalisay disdi.
  • 5 dl oo caano ah.
  • 1 baakad oo fixiso/qamiir ah 50 g taasoo aad ku dhex jajabinaysid caanaha.
  • 2 dl oo sonkor ah.
  • Intaba ku shub fijaan/baaquli weyn.
  • Ku shub 1.5-1.8 liter oo daqiiq/bur ah, fijaanka/baaquliga oo u cajiin si fiican illaa iyo 10 daqiiqadood.
  • ku khamiiri cajiinka meel kulul ilaa 40 daqiiqadood.
  • U googoo sida lussekaaterka oo dul dhig birta wax lagu dubo. Khamiiri 30 daqiiqadood oo kale.
  • Hal xabo oo ukun ah qas oo dusha ka mari.
  • Sabiibkiina saar lussekaaterka.
  • Gali birta foornada oo ku daa 5 - 10 daqiiqadood.
  • Ka saar marka uu casaado/guduuto.
//sidaas iyo nasiib wanaagsan!





onsdag 25 november 2015

Maalmaha soomaalida!

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\2BZPQZLU\Reportage-300x196[1].png


Dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku nool Iswidhan waxaa lagu macsuumaya laba maalmood oo cilmi koradhsi ah.
Kista folkhögskola iyo hay'ado kale  oo ay wada shaqeeyaanba waxa ay qabanqaabinayaan laba maalmood oo cilmi korodhsi ah oo ku saabsan soomaalida, dhaqankooda, suugaantooda iyo bandhig buuggaag. 
Kulan kani waxa uu ka dhici doonaa Kistaträf oo ku taala xaafadda Kista ee magaaladda Stockholm, waana bilaash in laga qayb qaataa. Kulan kani waxa uu dhacayaa 4-5 diisambar 2015. Maalinta hore oo jimce ah 09:00 -16:00 waxaa lagu hadlayaa af iswidish. 16:30 -20:30 waa af soomaali. Maalinta dambe waa af soomaali kaliya.
Haddii aad rabtid inaad ka qayb qaadatid isa soo diiwaan gali. Waxaanan halkan kuugu soo lifaaqayaa cassuumaddii.

måndag 16 november 2015

Waalidka togan!

ASC.
Waxaan halkan iddinku soo gudbinayaa muxaadaro uu jeedinayo ilaahay haka jisaa'i siiyee  sh. Cabdiraxmaan Bashhir. Muxaadardani waxa ay ku saabsan tahay waalidka togan, taasi oo ay macnaheedu tahay waalidka xagga fiican ka fakara (positiv-ka) ah.



sh.Cabdiraxmaan Bashiir

måndag 9 november 2015

Ammaan!

Ma ammaantaa oo ma u duceysaa dadka aad jeceshay, waalidkaa xaaskaaga, ninkaaga, carruurtaada, saaxiibadaa, qofka kula shaqeeya iyo qofkii axsaan kuu gala......iwm.

Soomaali ahaan inaga ammaantu wey inagu yartahay iyo hadalka fiicaniba. Waa inaan bilawnaa oo aan wax ka badalnaa ammaan la'aanta iyo ammaan yaridaba.
Waxaan google weydiiyey inuu ku jiro ereyga ammaan,  ma ka helay baad u malaynaysaan? bal gal oo ila raadi. 
Ammana kale haddii aad haysidna ii soo dir, adigoo raaliya.


Bas 2-ga Järfälla ku yaalaa waxa aan toddobaadkii ina dhaafay aan bilawnay mawduuca ammaanta.Toddobaadka soo socdana isla mawduucas ayaan wadi doonaa. Ardeyda dhigata qaybtani waxa ay kakala yimaadeen waddamo kala duwan. Haddaba waxaanu shaki ku jirin in ardeydani ku kala hadlaan afaf kala duwan , ayna leeyihiin ama ay xambaarsanyihiin dhaqamo kala duawan iyo diimo kala duwan. Runtii waa mid aad loogu farxo oo aadna u qiimo badan in arday  wadamo badan oo kala duwan ka kala socdaa ay hal fasal wada fadhiyaan.
Si isku mid ah mala isku ammaanaa waddamada oo dhan? jawaabtu waa maya, laakiin waxaa soo baxday oo aan ogaanay in waddamada qaarkood si iyo xaallad isku mid ah la isku ammaano. Tusaale ahaan waddamada ku yaala Afrika dadku si isku mida ayay isku amaanaan. Kuwa ka yimid waddamada carbtuna iyaguna sidoo kale ayay si isku mida iyo xaallado isku mida ama isku dhaw iskugu amaanaan.

Waa kuwan ammaanaha aan ka shaqaynaa:
  1. waan jecelahay sidaad timaha aad jarantahay!
  2. dhoola cadayn fiican baad leedahay!
  3. kabahaagu way qurux badan yihiin!
  4. indha qurux badan baad leedhay!
  5. qof aad u wanaagsan baad tahay!
  6. kabahaaga waan jecelahay!
  7. waad qurux badan tahay!
  8. aad baad u furfuran tahay!
  9. qof la aamini karaad tahay!
  10. si fiican baad u eegtahay!
  11. wey wanaagsan tahay la joogidaadu! 
  12. xariif baad tahay!
  13. waad caqli badan tahay!
  14. waad i dhiiri galisaa!
  15. waan jecelahay markaad qoslaysid!
  16. qof wanaagsan baad tahay!
  17. waxaad tahay qof maad leh!
  18. saaxiib wanaagsan baad tahay!
  19. qof naxariis leh baad tahay!
  20. waxa aad samaysaysid waad ku fiican tahay!
  21. qof fiican/sharaf leh baad tahay!

torsdag 5 november 2015

Cilmigii la caasiyay!

Cilmigu waa nuur!
Jahliguna waa mugdi!

Adduunyadan aan ku noolnahay, waxa ay horumarkan maanta la joogo, iyo kan la hiigsanayaba ay ku gaadhay cilmiga. Cilmiguna sidiisaba wuxuu ku yimaadaa ama lagu helaa laba hab: 
1- Mid horay loo helay oo aad ka baratid iyo 
2- Mid hadda gacanta lagu hayo oo la baarayo/ ikhtiraacayo.

Diinteenu aad iyo aad ayay uga hadashshay cilmiga. Ilaahay (sw) ayaa quraanka kariimka ah ku sheegay oo yidhi: miyay siman yihiin kuwa waxbartay iyo kuwa aan waxbaranin. 
Rasuulkeenii suubanaa (scw) waa tii uu  ilhaay ku yidhi: akhri magaca alle... (suuradda iqra).

Inaku (soomaalida) dhinacee baan ku jirnaa? ma kuwa cilmiga barta, mise kuwa raadiya, mise kuwa xaqira ee hoos u dhiga dadka cilmiga leh? 

Tiiyooy arrini sidaas ay tahay, oo muddo dheer aan rabay in aan wax ka qoro, sida ay dadka soomaalidu ula dhaqmaan dadka soomaalida ee cilmiga leh, gaar ahaan farsama yaqaanada sida: farsama yaqaanada birta tuma ee inoo sameeya midiyaha, faaska, gudinta, haamaha iwm. 
Kuwa kabaha, boorsooyinka, gambadhada iwm sameeya.
Rayiislaha/ tima jaraha, beeraleyda, kalluumeysatada iyo kuwa kale oo fara badanba.
Shaqooyin kani waa kuwa ugu liita xaggeena. Dadka ka shaqeeyaana aanay nolol fiicana ku  haysanin.
Balse adduunyada kale waa xirfadaha ugu qaalisan ee aan la heli karin, dadka ka shaqeeyaana ay nolol aad u heer saraysa ku nool yihiin. Tusaale: Jarmalka oo ah waddamada ugu horeeya xagga birta oo baabuurta iyo diyaaradaha sameeya kaasi waa birtume. Keena birta tumaana xataa meel fiican ma fadhiyo, waa yaab!
Talyaaniga beeraha iyo maqaar tolista, boorsooyinka iyo kabaha aad jeceshahay ayay sameeyaan. Ka walaalkaa ah ee gurigaaga hortiisa  kuugu samaynayana waad ku caayaysaa.Subxaana laah
Magacyo kala duwan oo xaqiraad/ takooris iyo hoos u dhigis ah ayaa dadkan soomaaliyeed ee sharafta leh loo kala yaqaanaa, halkan  inaan ku sheegna runtii aad iyo aad ayaan ugala xishooday.
Qadarin iyo ixtiraam ayay agtayda ka mudan yihiin.    

Waxaan haddaba akhristoow aan maalin dhawayd daawaday fiidyaw youtobe-ka ku jira oo dad cilmi leh oo soomaali ahi ay ka hadlayeen, runtii arrimaha qaarkood aad bay ii damqeen sida dadkaas loola dhaqmi jiray. Bal ila fiiri oo maxay kula tahay. Waxa uu ku baxayaa af-ingiriisi. Inuu isagoo af soomaali ahna inuu jiraa  aad ayay u fiicnaan lahayd.




fredag 16 oktober 2015

Bariiska...

Bariiska iyo isticmaalkiisa.

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\GHEMJRQ2\JOLLOF_RICE[1].jpg
Waxaa dhawaan culumadda ku hawlan cilmi baadhista gaar ahaan kuwa bariiska, ayaa soo saaray in bariiska haddii la badsado uu keeno karo cudurka loo yaqaan kansarka (cancer).
Bariiska waxaa ku jira curiye bir u eeke ah oo loo yaqaanno arseniik As. Curiyahaasi wuxuu keeni karaa xannunka loo yaqaano kansarka, waxa kale oo ay saamayn kuleedahay unugyada jidhka, difaaca jidhka, sanbabada, kalyaha iyo beerka.  
Arseniik As (afka laatiinkana loo yaqaan arsenicum) waa curiye laga helo dabeecadda oo aad iyo aad sun u ah. Curiyahani haddaba meelaha uu ku jiro waxaa kamida bariiska oo ay dadkeenu aad u isticmaalaan iyo meelo kale oo badan addunyada ka mid ah. 

Culumadda cilmibaadhistu kuma tallinayaan, innaan joojino gabi ahaan tiisaba isticmaalka bariiska, ee waxa ay leeyihiin yareeya. Gaar ahaan caanaha bariiska ee la cabo.


C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\POZXPLND\Mamra_Ladoo__52169.1313185209.1280.1280[1].jpg
Waxaa jira sida aad wada ogsiintihiinba cuntooyin iyo cabitaano badan oo laga sameeyo bariiska sida konfilagaska bariiska (risflingor) (rice crispies),rootiga qalalan ee bariiska laga sameeyo (riskakor) iyo caanaha bariiska.


Carruurta, dumarka iyo ragga.

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\GHEMJRQ2\hqdefault[1].jpg
Carruurta iyo dumarka ayaa u nugul in arsiniik ay wax yeeleyso haddii ay badsadaan, sababta oo ah qofba qofka uu ka fududyahay ama ka culays yaryahay ayay maadadani jidhkiisa/jidhkeeda ku badan kartaa.

Haddii aad afka iswidhishka taqaanid jadwalkan eeg/fiiri inta mikrogaraam arseniik ee qofka jidhkiisa gali karta marka uu cuno cuntooyinka ka kooban bariis.

FAKTA: SÅ MYCKET ARSENIK FÅR DU I DIG

2-åring, 13 kg:
Rekommenterat riktvärde: Max 3,9 mikrogram per dag
”Vanlig vecka”: 5,46 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 13,52 mikrogram per dag (barnportioner av ris)
3-åring, 15 kg:
Rekommenderat riktvärde: Max 4,5 mikrogram per dag
”Vanlig vecka” 5,46 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 13,52 mikrogram per dag (barnportioner av ris)
9-åring, 30 kg:

Rekommenderat riktvärde: Max 9 mikrogram per dag
”Vanlig vecka”: 6,97 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 22,01 mikrogram per dag (vuxenportioner av ris)
Kvinna, 65 kg:

Rekommenderat riktvärde: Max 19,5 mikrogram per dag
”Vanlig vecka”: 6,97 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 22,01 mikrogram per dag (vuxenportioner av ris)
Man, 85 kg:
Rekommenderat riktvärde: 25,5 mikrogram per dag
”Vanlig vecka”: 6,97 mikrogram per dag
”Värstingdag”: 22,01 mikrogram per dag (vuxenportioner av ris)
Det rekommenderade riktvärdet kommer från EU:s organ för livsmedelssäkerhet.
Källa: SVT

torsdag 15 oktober 2015

Qosolka adduunka....

Qoys Qurbe Jooga Iyo Qosolkii..........

Mar ay xalay ay amin tilmaantadu ay tilmaamaysay abaarihii 11:20 habeennimo  ayaan helay fiidyawgan anigoo hurdo u diyaargaraoobay, waxaan is idhi bal waxa ay ku saabsantahay eeg si aad bari haddii uu ilaahay yidhaahdo aad u daawatid. Laakiin maxaa dhacay? waxaa dhacay in ay hurdadii iga duushay qosol daraadeed. Markii ay dhamaatayna waxaan ku ceshaday markale, saakana markale ayaan daawaday... intii aan xalay qoslay inteedii ayaan saakana aan qoslayay. Waxaan go'aan ku gaadhay inaan raadiyo halabuurka  maansooyinkiisii kale.
Haddaba halkan ka daawo sheekadii dhexmartay qoys qurbe jooga. Aabe Geeddi, hooyo Gaasira iyo wiilkoodiii Guuleed oo uu halabuurkani ku cabirayo gabay jacbur ah.
Marka laba shay iyo wax kabadan laysku daro ayaa la yidhaahdaa fadareeshan ama jacbur sidaasi darteed ayaa af- soomaali fadareeyshan ah loo leeyahay jacburkan uu tirinayo halabuur Aadan Muuse Haybe. sidaas iyo daawasho wacan.


måndag 12 oktober 2015

Soo xigasho, citat, quotes


Dhirta iyo daaqa!
Forest and poturage!

C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\Z7M82FP7\Abraham_Lincoln_O-55,_1861[1].png
Abraham Lincoln


Soomaali

Haddii aad isiisid lix saacadood si aan u gooyo geed, afarta saacadood ee ugu horeeya waxaan ku lumin lahaa sidaan gudinta u afayn/soofayn lahaa.
Abraham Lincoln

English

Give me six hours to chop down a tree and I will spend the first four sharpening the axe.









måndag 5 oktober 2015

Gabaygii carruurta qurbaha iyo kuwii waddanka.........


Suugaanta soomaaliyeed waa hodan, sababta oo ah waxa ay bulshada soomaaliyeed caan ku ahayd inay ku cabbiraan dareenkooda suugaantooda kala duwan, sida nabadda, dabeecadda iyo deegaanka, jacaylka, guurka, deeqsinimada iyo amaanta haweenkeena qaaliga,qiimaha, dadnimada iyo hooyo jacaylka ilaahay ku abuuray. 
Markaa haddaba bal ila arag oo ila dhagayso sida halabuur, qoraa marna  saaxiibkay  Cabdi Bashiir Xirsi Guuleed uu maansadan ugu sifaynayo ismo'ogaanta ay ismoogyihiin iyo tuhunka ay kala qabaan carruurta soomaaliyeed ee ku kalana nool qaarado kala duwan.  


Gabaygan oo qoraal ah oo dhamaystirana, waan idiin soo gudbindoonaa inshaa allaah.

torsdag 1 oktober 2015

Xasuusta alleh-----


Waxa aan dacwadan ka helay wiil aan adeer u ahay. Markaan akhristayna waxaan jeclaystay inaan idnla qaybsado. Adiguna sii fidi ilaahay ha kaa jisaa'i siiyee.

  • Ma ka reebtaa dadka falalka foosha xun?
  • Ma badisaa xasuusta maalinta aakhiro?
  • Ma u diyaargarawday la kulanka Alleh?
  • Ma damacsantahay janatul fardawsa al'aclaa?
  • Ma ka baqaysaa galista naarta jaxiima?
  • Ma ku dadaashaa digriga iyo xuska alleh?
  • Ma ku salidaa nabiga scw.?
  • Quudkaaga xaaraanta ma ka ilaalisaa?
  • Hugaagu dhar islam ma yahay?
  • Dariskaaga xaquuqdooda ma ilaalisaa?
  • Masaakiinta ma siisaa, quudisaana cunto?
  • Ma ka fakartaa nolosha ehel iyo ubadba?
  • Ma ka mid tahay xisbiga alle?
  • Ma iska ilaalisaa xisbiga shaydaanka?
  • Ma ka warhaysaa muslimiinta xaalkooda?
  • Ma u ducaysaa walaalhaaga kaa maqan?
  • Ma ku bixisaa dhaqaalahaaga dacwadda?
  • Ma ka tawbad keentaa dunuubtaada?
  • Ma ka ilaalisaa carrabkaaga hilibka dadka?
  • Shaqadaada ama kasabkaagu xalaal ma yahay?
  • Adduunyadaada ma u qaadatay aakhiradaada?
  • Caafimaadkaagana ma u qaadatay jiradaada? 
Qore: miskiin alleh u baahan.
Qofkii akhriya siina fidiya waxaan ugu ducayn janada alleh.....

torsdag 24 september 2015

Ciid wanaagsan, ciid wanaagsan....



Ciid wanaagsan!

Maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 24 sebtember 2015 waa maalin ciid ah (ciidulodxa) oo aan aniga iyo qoyskeyguba aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay uguna mahadcelineynaa illaaahii na siiyey naguna simay maanta. 
Ciid wanaagsan dhamaantiinba umadda muslimiinta ah meel kasta oo aad joogtaanba. Waxaan ilaahay inooga baryayaa in ilaahay xaqa ina wafajiyo, sanadkan, sanadka bambe iyo sanado kale oo badana in ilaahay bash bash iyo barwaaqo iyo caafimaadqab inagu gaadhsiiyo.
Meelo badan oo dunida muslimiinta ka mid ah ayey dagaallo ba'ani ka aloosanyihiin, waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay dagaaladaas isagaa awood lehe uu dagaaladaas ka qaboojiyo.
Carruurteena, haweenkeena, waayeelkeena, raggeena iyo dhallinyaradeena. Carruurtooda, haweenkooda, waayeelkooda, raggooda iyo dhallinyaradooduba, inteenuba inaan farxad ku wada ciidno sanadka dambe haddii ilaahay yidhaahdo.

torsdag 17 september 2015

Ajenda (Agenda) svt2 oo nasoo booqdey..


Barnaamijka Ajenda (Agenda) oo ah barnaamij ka hadla dhacdooyinka cusub ee bulshada iyo caalamkaba ayaa nasoo booqday maalintii axaddii ee bishu ay ahayd 10 sebtembr 2015. Waxayna nagu soo booqdeen daarta weyn ee cas ee  Lärcentrum ee degmada Järfälla, halkaas oo ah iskuulka waxbarashada dadka waaweyn.
Waxay halkaas kula kulmeen ardeyda dhigata qaybta Bas (Aasaas).  Bas waxaa dhigata ardeyda ay waxbarashadoodu u dhaxeyso 0-6 sano. Ardeydaasi qaar ka mid ahi nasiib ama fursad uma helin inay iskuul soo dhigtaan oo ay afkooga hooyo ama mid kalaba ay ku bartaan sida wax loo qoro amaba loo akhriyo. Hase ahaatee taas macnaheedu maaha inaaney waxba aqoonin. Ardeydan qaar kamid ahi waxay ahaayeen dad shirkado si fiican u socda iska leh, halka kuwa kalana ay xirfado kala duwan ay leeyihiin iyo waayo aragnimaba.
Haddaba haddii ay ardeydani helaan fursad ay ku shaqeeyaan, waxa uu san shaki ku jirin inay wax badan wadanka ku soo kordhinayaan oo ay bulshadana ka mid noqonayaan.
Ma rabtaa haddaba inaad barnaamijkaa aad daawati, riix halkan 
http://www.svtplay.se/klipp/3608655/de-hoppas-fa-jobb-trots-att-de-saknar-utbildning 

torsdag 10 september 2015

Xaflad sagootin iyo mahadcelin ah oo loo sameeyay.........

Xaflad sagootin iyo mahadcelin ah oo loo sameeyay gudoomiye Abdinuur Ciise oo ahaa gudoomiyihii ururka isbahaysiga ummadda soomaaliyeed ee Sweden.

Waxaana isla xilligaas halkaas lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee kumeelgaadhka ah ee ururkan gudoomiye Cabdicasiis Geedi.





Miftaaxii midnimadoo lumay..... iyo Yuusuf X. Cabdillahi

Miftaaxii midnimadoo lumay oo aan meelna lagu haynin waa gabay uu sameeyay  abwaan Yuusuf  X. Cabdillahi. Isagaana inoo akhriyaya ee ila daawo oo ila dhagayso.



tisdag 8 september 2015

Maxaa ka jira xasilloonidarrada af soomaaliga?

Maxaa ka jira xasilloonidarrada af soomaaliga?





Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa cashar youtube ah oo uu inoo soo jeedinayo barafosoork/ macallin Cabdalla Cumar Mansuur. Waa muxaadaro aad iyo aad u xiisabadan. Su'aalo dadbadani isweydiinayaana, jawaabohooga ayaa laga helayaa.  

Riix halkan....

tisdag 25 augusti 2015

Xeerka Astaamaynta Qoraalka......


hawd

Xeerk astaamaynta qoraalka.....


Qofku kolka uu hadlayo ma dhurmo ee hadalkiisa wuu habeeyaa oo hagaajiyaa, kana dhigaa wax la dhegaysan karo. Sida taa loogu kala wanaagsan yahay baa loo ka la dhihid macaan yahay loona kala codkarsan yahay. Joogsiyada iyo hakadyada uu qofku hadalkiisa ku kala sooco, kicinta codadkiisa iyo dejintooda, xigashada murti kale iyo muujinta in ay xigasho tahay… siyaalahaa iyo siyaalo ka mid ah buu qofku hadalkiisa ku qurxiyaa si uu cidda dhegaysanaysa maqalkeeda iyo maankeeda u hanto. Taas bay dadku ku kala xariifsan yihiin. Qoristuna waa la mid oo hadalka la qorayo haddii aan xeer iyo xeelad loo raacin si wacan la isu la garan maayo, saamayntii loo baahnaana yeelan maayo. Sidaa darteed, haddii ay aftahano hadal jirto, aftahano qoraalna waa ay jirtaa.
U gu horrayn qorista waxaa looga baahan yahay astaamo lagu maamulo oo lagu maareeyo, haddii taa la waayana waxaa soo baxaya qoraal aan madax iyo mijo kala lahayn. Tusaale ahaan haddii aan la astayn meesha hadal ka bilawdo ama ku dhammaado foolxumada ka sokow waxaa lumaya garashada macnaha. Haddaba astaamaha ugu mudan ee hadalka qoran lagu agaasimaa waa kuwan soo socda (eraybixinta qaarkeedna aniga ayaa sameeyay): qoraalka waxa iska leh  Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” Riix halkan....

onsdag 19 augusti 2015

Orodkii saqdadhexe!

Qiyaastii 40 000 oo qof oo orday orodkii saqdadhexe ee Stockholm.

Caasimadda wadanka Isweden ee Stockholm gaar ahaan xaafadda Södermalm, waxaa ka dhaca  tartan xagga orodada ah oo sanadkiiba hal mar la qabto, . Masaafadda la ordaana waa 10 km, oo iskugu jirta dhul siman iyo jiiraba ama taag.  
Sabtidii la soo dhaafay ayaan haddaba waxaan aaday meeshii uu ka dhacayay tartankaasi orodada ee saqdadhexe. Waxaa la soo gaadhay wakhtigii orodka iyo madadaalada. 
Meeshaas uma aanan tagin inaan ordo ee aan ahayn inaan soo daawado, soo eeg eego iyo inaan ku soo raaxaysto kaliya jawigaas, waliba waxa kaloo intaas ii dheereyd iyada oo uu inankaygu iyo wiil aan adeer u ahay ay halkaas ka shaqaynayeen. Shaqaalaha ayay  ka mid ahaayeen.
Waxaan aad iyo aad ula dhacay markaan waraystay wiil mas'uul ah oo uu ii sheegay in dadka isa soo diiwaan galiyey ay yihiin qiyaastii 40 000 oo qof, cajiib! dadkaas oo yar iyo weynba lehaa.
Jawigu wuxuu ahaa mid aad u macaan oo  fiican, kulul, qoraxduna  wey ifaysay, cirkuna wuxuu ahaa buluug saafiya, geedaha iyo dooguna wey cagaarnaayeen. Dadka halkaas joogeyna waxay ahaayeen dad u faraxsan.

Barkulankii shaqaaluhu wuxuu ahaa  uskuulka la yidhaahdo Maria iskuulaan. Luuqa iskuulkaasi gidaarkiisa/darbigiisa waxaa ku dhajisnaa qoraalo kala duwan oo aad iyo aad u xiisa badan, kuwaas oo aan jeclaystay inaad ila qaybsataan.


Visar 20150815_182759.jpgVisar 20150815_182847.jpg
Sawirka 1aad:                                                   Sawirka 2aad: Riyo ayaan leeyahay.
Qaybta 1aad: Cilmigu ma cusla
                         si loo xambaaro.                        
Qaybta 2aad: Cilmigu waa awood.
Qaybta 3aad: Waa cusub ayaa
                        maalin kastaba dhasha.


tisdag 16 juni 2015

Sidee ayaad quraanka ku dhamayn kartaa?

Sidee ayaad quraanka ku dhamayn kartaa bisha ramadaan?



Kitaabka quraanka kariimka ahi waxa uu ka koobanyahay inta badan lix boqol oo bog (600 bog). lix boqol haddii loo qaybiyo soddon maalmood waa labaatan bog maalintii (600/30= 20). Laakiin labaatan bog wey adagtahay inaad isleedahay ayaa laga yaabaa. Haddii aad u qaybisid shanta salaadood waxay noqonaysaa afar bog salaad kasta inta lagu jiro bisha ramadaanta gudeheeda. waxaad sidaa ku dhamayn kartaa quraanka kariimka ah hal mar.
Laakiin haddii aad u baahantahay/rabtid inaad laba mar/jeer aad dhamaysid quraanka, waxaad akhrisaa afar bog salaad kasta  ka hor iyo afar bog salaad kasta ka dib. Sidaasna waxaad ku dhamayn kartaa labo mar quraanka kariimka ah. Ilaahay ha ina karsiiyo dhamaanteenba….


Ramadaan

ASC. 
waxaan helay oo isoo gaadhay qoraalo badan oo ku saabsan ramadaanta iyo barakadeeda oo aan jeclaystay inaaan idinla qaybsado. Haddii aad haysaan kuwa kale oo la mid ahna iisoo dira si aan ugu sii gudbiyo akhristayayaasha. Mahadsanidin...



fredag 6 mars 2015

Halka ay ka soo jeedo Soomaaliya

Waaxaan qoraalkan ka soo qaaday bogga af-soomaaliga ee afafka hooyo ee Iswidhen, qaybta soomaaliga (Tema modersmål). Halkan guji.....


(b) Siinay oo ay Afrika ka soo galeen dhinaca Masar (t) Baabul-Mundab oo ay ka soo galeen dhinaca Geeska Afrika. Baabul-Mundab waa marriin aad muhiim u ah oo isku xira Geeska Afrika iyo Aasiya. Waxaa xaqiiqo ah in dhulka ay maanta Soomaalidu deggan tahay uu noqday mid jinsiyo badan isugu yimaadeen, qolo walbana qoladii ka soo horreysay u riixday dhanka gudaha.
Dadkani waxay lahaayeen boqortooyo soo jireen ah oo saldhiggeedu ahaa dhulka loo yaqaan Nuuba, taas oo ay isku raaceen baarayaal fara badan, in Kushitigu uu ka soo jeeddo ilmo Xaam Ibnu Nabi Nuux. Waxay u soo hayaameen dhanka qorrax u dhac, iyagoo soo gaaray Afrikada Waqooyi ee dalka maanta loo yaqaan Masar. Waagaas Afrikada Waqooyi iyo Bariga Dhexe bad uma dhexeyn, waxaana la isaga gudbi jiray si fudud. Sidaa awgeed waxaa u suurta gashay, in si fudud ugu gudbaan Afrika iyaga iyo wixii duunyo ah ee ay wateen, waxayna ku hakadeen webiga Niil, halkaas oo ay degganaayeen ilaa ay ka kaga tarmeen. Bahdan Kushitiga ah waxay u qaybsan yihiin:-
1. Kushitiga Waqooyi waa kuwa dega Afrikada Waqooyi oo ay ka mid yihiin Berberka
wax ka dega Marooko, Liibiya, Tuniisiya iyo Aljeeriya; Fulaani oo ka mid ah
qowmiyadda degta dalka Nayjeeriya (Nigeria); Dawaari iyo Tubo oo dega dhulka
Saxaraha ah ee Afrika. Dadkaas waxay caan ku yihiin xoolo dhaqatada iyo guur-guurka
joogtada ah oo hadba dhan u naqraaca, muuqaalkooduna uu shaabaho dadka
Soomaalida ah ee hadda ku nool Soomaaliya.
2. Kushitiga Bari oo iyaguna ka kooban Nuubiyiinta wax ka dega dalka Suudaan, Masar
ilaa soohdinta dalka Eritareeya; Saaxa oo degta Itoobiya iyo Eritereeya; Danaakilida
oo iyaduna wax ka degta Eritareeya, Itoobiya iyo Jabuuti. Oroomada oo ah qowmiyad
aad u fara badan oo degta dalka Itoobiya iyo Kenya; Soomaaliya oo dalalka ku yaal
Geeska Afrika oo dhan wax ka degta. Dadkan oo deggan dhul aad u kala fog oo
ummado badan ku dhex milmeen, misna waxaa lagu kala saari karaa afka, dhaqanka,
muuqaalka, hab dhaqanka iyo dhismaha afkooda.
Sidoo kale Xamaatigu wuxuu u qeybsan yahay laba qaybood oo kala ah:
1. Xamaatiga Bari: waxaa lagu garanayaa muuqaalka dhismaha jirka dadnimo
(anthropological features), waxayna leeyihiin af xiriir la leh afka Sematiga "Sematics"
gaar ahaan Carabta iyo afafka kale ee Aasiyada hoose oo ah afafka la isku yiraahdo
Hematic-Sematic Group. Wuxuu inta badan dhaqankiisu u badan yahay xoolo dhaqato,
sida uu caddeeyay Herotodus oo ahaa Aabbihii Taariikhda. Wuxuu ku sifeeyay in ay
ahaayeen dad gibilkoodu uu caddaan yhay, isla markaasna ay yihiin dad dhaa-dheer oo
dhuudhuuban. Waxay caado u lahaayeen in dibida da´da yar ay dhiiggooda cabbaan,
taas oo weli ku dambeysa Oroomada iyo Masayda ku dhaqan Geeska Afrika.
2. Xamaatiga Waqooyi: Waxay u soo gudbeen dhanka waqooyi, iyagoo loo maleynayo
in ay ka farcameen dadka loo yaqaan Berber oo ah dad aan carab ahayn oo deggan
Afrikada Waqooyi, waana dadka loo yaqaan Berberka ama Barri Al-Cajam. Waxay ku
noolaan jireen Marooko, Aljeeriya, Khaliijka Carabta iyo Gacanka Cadan ee
Waqooyiga Soomaaliya. Magaalada Berbera waxay wadataa magacii hore ee Berberka
oo ay u bixiyeen badmareennadii Giriigga iyo Roomanka oo xilligaas ganacsi iyo
aqoon isweydaarsi ka waday xeebaha Badda Cas.
Masaaridii hore waxay xiriir la lahaayeen boqortooyadii Kush ee la oran jiray dalkii Kush iyo boqortooyadii Geeska Afrika ee loo yiqiin Dalkii Punt "Dadlkii Eebbe". Masaaridu Waxayna halkaas ka iibsan jiray hargaha shabeelka, beeyada, xabkaha, baalasha goroyada iyo geedaha uunsiga oo waqtigaas qiimo aad u sarreeya lahaa iyo dawooyinkii lagu dhayi jiray meydka Faraacinnada.
Xiriirkii Faraaciinta iyo Boqortooyadii Punt, wuxuu sii xoogeystay waqtigii ay dalka Masar ka talinaysay Boqorradii Xatshabsuut oo iyadu booqasho ku timid. Dadkii Masar ee xilligaas uma ayan arki jirin dad shisheeye ah dadka reer Punt, waxaana la gaaray heer la kala garan waayay labada dal. Dhulka Soomaaliya xilligaas xadkiisu wuxuu ku ekaa deexda u dhexeysa Khooriga Tajurra iyo Raas Caseyr ee Waqooyiga Bari ee Badweynta Hindiya. Xeebaha Soomaaliyana waxay adduunka ka ahayd go´doon, taas oo loo aaneynayo loolankii iyo isbeddelladii waqtigaas ka dhexeeyay Afrikada Waqooyi iyo Bariga Dhexe.
Ummadda Soomaaliyeed waa dad aad u fac weyn oo ka soo jeedda dadkii la oran jiray Kush ama Nuubi oo markoodii hore ku noolaan jiray dhulka buuraleyda ah ee harooyinka Niil, waxayna markii dambe ku fideen dhulka u dhexeeya koonfurta Masar ilaa Geeska Afrika. Badmareennadii Giriigga ee xeebaha Badda Cas imaan jiray waxay qoreen, in ay degganayeen dad wajigoodu guban yahay ama madow, afka Giriigana lagu yiraahdo Itoobiya "Ethiopia", dadkii carabta ahaana u yiqiin Xabash. Magacaasna waxaa loo yiqiin dadkii Kushitiga ahaa ee ka koobnaa Suudaan, Oroomo, Rindiile, Cafar, Masay, Turkaano iyo Soomaali.
Soomaalidii degganeyd dhulkan cid kasta ha ku soo biirtee, waxaa lagu suureeyay in ay isku mid yihiin kuwo hadda ku nool iyo kuwii Faraaciiyiinta sheegeen dhowr kun oo sano ka hor. Marka laga eego muuqaalka, Soomaalidu ma ah kuwo milmay ee waa kuwo lagu milmay. Qof kasta oo ku soo biirta waa ku milmeysay iyagoo qaadanaya dhaqanka, afka, qaab nololeedka iyo midabka, ka dib markii ay ka soo gudubtay dhowr farc, ayna noqdeen kuwo aan laga saari karin Soomaalida.

måndag 2 mars 2015

Taariikhdii uu af-soomaaligu soo maray


Aw jaamac cumar ciiseAw Jaamac Cumar berättar om hur det somaliska skrift språket kom till. Aw Jaamac Cumar Ciise ayaa Alla haw naxariistee ka waramaya taariikhdii  ay qorida af-soomaaligu soo martay. Axmed Kismaayo oo BBC-da ka socda ayaa sannadkii 2003 waraysi kula yeeshay magaalada Jabuuti oo uu markaa Aw jaamac deganaa. Guji halkan..

måndag 23 februari 2015

Wiil yar oo sagaal jir ah oo ashahaadada qiraya isagoo xaalad adag ku jira..........

Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday wadanka sweden halkan hoose ka daawo .Waa wiil yar oo sagaal jir ah oo niman waaweyni ay dhulka ku ciijinayaan, oo mid kamid ahina afka iyo sanka uu qabanayo oo walibana madaxa uu dhulka ula dhacayo (subxaanalaah). 
Wiilkaas yari isagoo xaaladdaas adag ku jira ayaa intuu farta kor u taago ayuu ashahaadada qirayaa. 
Dhacdadani foosha xumi waxay ka dhacday goob tareenada laga raaco/lagagana dago oo kutaal magaalo la yidhaahdo Malmö  oo kutaala koonfurta wadanka Sweden. Wiilkan yar oo lagu eedeeynayay inuu meel lagu hayay kasoo baxsaday oo uu lacag l'aan ku soo raacay tareen.
Waa dhacdo aad iyo aad u xun oo baniaadminimada ka baxsan naxdin iyo calool xanuunna qofkasta oo daawada ku reebaysa.

Halkan guji...

onsdag 28 januari 2015

Sheeko aad iyo aad u xiise badan!

cusub!



waxaan macallin ka mida macaliimiinta soomaaliyeed oo dagan wadanka Sweden aan ka helay sheeko aan aad iyo aad uga helay. Sheekadan waxaa la qoray 1977 laakiin waxay la talaabsanaysaa 2015. Sababta oo ah waa sheeko si aad u heersaraysa loo qoray.
Sheeko marka la qorayao waa inay ka koobnaataa madax, jidh iyo lugo ama bilow, dhex iyo dhamaad. Qaybahaasna waa inay ku jiraan sida dabeecadda loo sharaxayo, dareenka qofka iwm.
Intuba waa ay ku jiraan sheekadani.
Bal ila arka oo ila akhriya......... Dareenkiinana ila soo socodsiiya.


Halkan guji sheeko gaaban...