onsdag 6 april 2016

Rugta buuggaagta/ maktabadda/ laybareeriga...


 14 maarso 2016 waxa aan booqaasho cilmi korodhsi ah ku tagnay aniga iyo ardeyda aan la shaqeeyaa rugta buuggaagta/maktabadda ama laybareeriga qofba sida uu u yaqaano ee Stockholms Stadsbibliotek. 
Magaca ku hoos qoran magacaasi maktabadda waa magaca ninkii naqshadda dhismaha laybareeriga sameeyey sannadku markuu ahaa 1928.

Waxaa kale oo aan booqanay iyadna maktabadda caalamiga ah (internationella biblioteket) oo  ku taala meel aan halkaa ka fogeyn.
Waxaa halkaas kuugu diyaar ah shaqaale ku hadla afaf kala duwan. Waxaanse ka xumahay inaanay haysanin qof af soomaali ku hadla. Si kastaba ha ahaatee waxaa halkaas aad ka heli karaysaa shaqaale aad iyo aad diyaar kuugu ah inay ku caawiyaan iyo waliba buuggaag badan oo af soomaali ku qoran.
Waxaa kaloo halkaas yaala cajalado waxyaabo badan oo kala duwani ay ku duuban yihiin.
Waxaa halkaasi yaala in kabadan 200 000 (laba boqol oo kun) oo buuggaag ah oo ku kala qoran ilaa iyo 100 af oo kala duwan.
Wargeysyo iyo cajalado.  


Qaar ka mid ah buuggaagta af soomaaliga ku qoran!
Qaar ka mid ah buuggaagta af soomaaliga ku qoran!

Ma tagtaa maktabaddaha oo ma leedahay kaadhka buuggaagta iyo qalabka kale ee meesha yaala lagu amaahdo/amaaneysto? 
Tusaale fiican u noqo carruurtaada, qaraabadaada iyo inta kale ee ku taqaana.
Ma is weydiisay markaad maktabadda/laybareeriga aad dhex joogtid waxa buug kugu wareegsan in ay qoreen qorayaal kala duwan, waddamo kala duwan kala jooga, afaf kala duwan ku kala hadla oo ay intuba diyaar u yihiin inay wax kuu sheegaan.
Midka aad adigu dooratid kaliya ayuun baa wax kuu sheegi kara.
Miyaanay markaas u qalmin inaad marar badan aad booqatid meeshaas?
Fikirkaaga nala qaybso akhristow aad buu muhiim u yahaye!

Mohammed A.