tisdag 25 augusti 2015

Xeerka Astaamaynta Qoraalka......


hawd

Xeerk astaamaynta qoraalka.....


Qofku kolka uu hadlayo ma dhurmo ee hadalkiisa wuu habeeyaa oo hagaajiyaa, kana dhigaa wax la dhegaysan karo. Sida taa loogu kala wanaagsan yahay baa loo ka la dhihid macaan yahay loona kala codkarsan yahay. Joogsiyada iyo hakadyada uu qofku hadalkiisa ku kala sooco, kicinta codadkiisa iyo dejintooda, xigashada murti kale iyo muujinta in ay xigasho tahay… siyaalahaa iyo siyaalo ka mid ah buu qofku hadalkiisa ku qurxiyaa si uu cidda dhegaysanaysa maqalkeeda iyo maankeeda u hanto. Taas bay dadku ku kala xariifsan yihiin. Qoristuna waa la mid oo hadalka la qorayo haddii aan xeer iyo xeelad loo raacin si wacan la isu la garan maayo, saamayntii loo baahnaana yeelan maayo. Sidaa darteed, haddii ay aftahano hadal jirto, aftahano qoraalna waa ay jirtaa.
U gu horrayn qorista waxaa looga baahan yahay astaamo lagu maamulo oo lagu maareeyo, haddii taa la waayana waxaa soo baxaya qoraal aan madax iyo mijo kala lahayn. Tusaale ahaan haddii aan la astayn meesha hadal ka bilawdo ama ku dhammaado foolxumada ka sokow waxaa lumaya garashada macnaha. Haddaba astaamaha ugu mudan ee hadalka qoran lagu agaasimaa waa kuwan soo socda (eraybixinta qaarkeedna aniga ayaa sameeyay): qoraalka waxa iska leh  Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” Riix halkan....

onsdag 19 augusti 2015

Orodkii saqdadhexe!

Qiyaastii 40 000 oo qof oo orday orodkii saqdadhexe ee Stockholm.

Caasimadda wadanka Isweden ee Stockholm gaar ahaan xaafadda Södermalm, waxaa ka dhaca  tartan xagga orodada ah oo sanadkiiba hal mar la qabto, . Masaafadda la ordaana waa 10 km, oo iskugu jirta dhul siman iyo jiiraba ama taag.  
Sabtidii la soo dhaafay ayaan haddaba waxaan aaday meeshii uu ka dhacayay tartankaasi orodada ee saqdadhexe. Waxaa la soo gaadhay wakhtigii orodka iyo madadaalada. 
Meeshaas uma aanan tagin inaan ordo ee aan ahayn inaan soo daawado, soo eeg eego iyo inaan ku soo raaxaysto kaliya jawigaas, waliba waxa kaloo intaas ii dheereyd iyada oo uu inankaygu iyo wiil aan adeer u ahay ay halkaas ka shaqaynayeen. Shaqaalaha ayay  ka mid ahaayeen.
Waxaan aad iyo aad ula dhacay markaan waraystay wiil mas'uul ah oo uu ii sheegay in dadka isa soo diiwaan galiyey ay yihiin qiyaastii 40 000 oo qof, cajiib! dadkaas oo yar iyo weynba lehaa.
Jawigu wuxuu ahaa mid aad u macaan oo  fiican, kulul, qoraxduna  wey ifaysay, cirkuna wuxuu ahaa buluug saafiya, geedaha iyo dooguna wey cagaarnaayeen. Dadka halkaas joogeyna waxay ahaayeen dad u faraxsan.

Barkulankii shaqaaluhu wuxuu ahaa  uskuulka la yidhaahdo Maria iskuulaan. Luuqa iskuulkaasi gidaarkiisa/darbigiisa waxaa ku dhajisnaa qoraalo kala duwan oo aad iyo aad u xiisa badan, kuwaas oo aan jeclaystay inaad ila qaybsataan.


Visar 20150815_182759.jpgVisar 20150815_182847.jpg
Sawirka 1aad:                                                   Sawirka 2aad: Riyo ayaan leeyahay.
Qaybta 1aad: Cilmigu ma cusla
                         si loo xambaaro.                        
Qaybta 2aad: Cilmigu waa awood.
Qaybta 3aad: Waa cusub ayaa
                        maalin kastaba dhasha.