tisdag 24 oktober 2017

Education/ Waxbarasho

Waxa aan qoraalkan ka keenay internetka. Waxaanan jeclaystay in aan idinla qaybsado maadaama oo ay waxbarashada ka hadleyso.
Education can transform lives, but today millions of young people grow up without acquiring basic reading, writing or math skills. This is not only a wasted opportunity, but a great injustice to the children who most need a good education to succeed in life. Fixing this problem will be possible when learning for all becomes a priority for every country.  For example, Liberia, Papua New Guinea and Tonga improved early grade reading substantially in a very short time. Between 2009 and 2015, Peru achieved some of the fastest growth in learning outcomes due to concerted policy action.  We hope to see many similar success stories. The 2018 World Development Report on education lays out the concrete steps that can help solve our learning crisis. http://wrld.bg/U1Yi30fk7aP



 Jim Kim
Madaxweynaha bankiga adduunka

Waxbarashadu waxa ay wax ka badali kartaa nolosha, Laakiin maanta waxaa jirta malaayiin dhallinyaro ah oo koraya iyaga oo aan helin/lahayn aasaaska waxbarashada ee akhriska, qoraalka iyo xisaabta. Tani ma aha jaanis lumay ama fursad luntay oo kaliya ee waaba  caddaalad daro weyn in carruurta ugu baahi badan in ay waxbarasho  helaan si ay ugu guuleystaan noloshooda aaanay helin taasi. Haddaba in la xaliyo dhibaatadani waa suurto gal, waa marka wadan kastaa uu mudnaanta siiyo in dadka oo dhami ay wax bartaan. Tusaale ahaan Laybeeriya, Baabuwaa Ginida cusub iyo Tonga waxa ay ku guuleysteen wakhti gaaban gudihiisa in ay wanaajiyaan shahaadada wax akhriska bilowga horeba si la taaban karo. Intii u dhexeysay 2009 iyo 2015 waxa uu wadanka Beeruu ku guuleystay oo uu gaadhay horumar degdeg ah oo xagga waxbarashada ah, sababta oo ah isku dubaridid iyo isku hagaajin tallaabooyin waxqabad oo ay siyaasiyuuntu gaadheen darteed.
Waxa aan rajayneynaa in aan aragno guulahaas taariikhiga ah kuwa la mid ah oo kale.
Warbixintan horumarka waxbarashada ee 2018 waxa ay ka koobantahay tallaabooyin la taaban karo oo keeni karaya in la xaliyo dhibaatooyinka  inaga hortaagan barashada.

http://wrld.bg/U1Yi30fk7aP

Waxaa turjumay: Maxmmed Xassan
Haddii aan si qaladan aan wax u turjumay fadlan waxa aan kaa codsanayaa in aad ila soo xidhiidhid, oo aad igala soo xiriirtid E-maylkan moabdull11@gmail.com.

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar